Home WARARKA XOG : Beesha Mudulood oo waagu uu ku baryay, Sheekh Shariif iyo...

XOG : Beesha Mudulood oo waagu uu ku baryay, Sheekh Shariif iyo Farmaajo Ra’isul Wasaaraha Cusub isku afgartay

6
SHARE

Xog hoose ayaan ka helnay kulankii dhax maray Todobaadkii Hore Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed kaas oo ahaa Mid Xasaasi ah loogana hadlay Arrimo la xiriira Soo magacaabista Ra’isul wasaaraha Dowlada Cusub.

Wakaalada Warqaad.com ayaa Xogtan ku ogaatay in Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed u gudbiyey Madaxweyne Farmaajo in sanadkan xilka Ra’isul wasaaraha loo dhiibo mid kamid ah beelaha Hawiye laakiin aan loo magaacabi Siyaasi ka soo jeeda Beesha Mudulood Abgaal.

Madaxweynihii Hore Ee KMG ayaa sheegay in marar badan la tijaabiyey beesha Mudulood oo ay wax badan dhaqaaqi waayeen,loo baahan yahay in laga faa’iidesto qaluubta Shacabka Soomaaliyeed oo la magacaabo qof ka soo jeeda beelaha kale ee Hawiye waxqabadna leh .

Shariif Sheekh Axmed ayaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya aragtida ah in qof ka soo jeeda beesha Habargidir xilkaas loo dhiibo, Kala Xulashana uu ku sameeyo Xubnahaas qudhooda Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga sugayaa Soo magacaabida Ra’isul wasaaraha Cusub ee Dowlada kaddib Marka la caleemo Saaro Madaxweyne Farmaajo oo isugu 8-dii Bishan ku guuleeystay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaana jira siyaasiyiin Dhowr ah oo qaar kood Horey u soo shaqeeyay iyo kuwo ku cusub siyaasada oo iyagu doonaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u magacaabo Xilka Ra’isul wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE